Masar & Soomaaliya oo iska kaashanaya dhinaca amaanka

cairoWasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Masar, Jenaraal Majdi C/qafaar waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/risaaq Cumar Axmed oo haatan booqasho hawleed ku jooga caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

Labada Wasiir waxay ka wada hadleen Iskaashiga Dowladaha Masar iyo Somalia ee dhinaca Ammaanka iyo Horumarinta Khibradda Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar, Jenaraal Majdi  C/qafaar waxa uu sheegay inay guulo waa weyn ka gaareen La-dagaalanka Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan ee ku sugan gudaha Masar, isla markaana ay diyaar u yihiin inay Hay’addaha Ammaanka Somalia ka taageeraan dhinacyadda Tababaradda, Qalabka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Kulanka Labada Wasiir waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Masar u jooga Somalia, Waliid Ismaaciil iyo Hawlwadeeno ka tirsan Safaaradda Somalia ku leedahay  dalka Masaarida.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.