Warbixin: Muranka Ka Taagan Caasimadaha Maamul Goboleedyada

Sida la wada ogsoon yahay habka federalismo waa hab u dan ah dadweynaha soomaaliyeed haddii la fuliyo, lagu na dhaqmo sharuucadda u degsan nadaamkaasi. Federaal oo micnihiisu yahay wax wada qaybsi cadaalad iyo sinaan ku dhisan iyo xukun fur furan oo ku baahsan goboalda iyo degmooyinka {qaybsashada maamulka dawladda dhexe, khayraadka, gobol walba inuu is maamulo si ay awooda gacanta ugu gasho shacabka } dawladda dhexe na ay kor ka maamusho goboladda iyo degmooyinka .

Balse dhibaatada ugu xoogan ayaa waxay ka taagantahay Caasimadaha maamul Goboleedyada ilaa iyo hada la dhisay, iyo kuwa la dhisi doono iyo halka ay haatan ku sugan yihiin. Tusaale Maamulka Jubbaland waxaa lagu go’aamiyay in ay caasimad u noqoto magaalada Bu’aale hadana waxaa ay ku shaqeeyaan Kismaayo. Maamulka Koonfur Galbeed waxaa la shaaciyay magaaladda Baraawe hadana waxey joogaan magaaladda Beydhabo. Maamulka Galmudug waxaa caasimad u ah Dhuusamareeb hadana waxaa ay ku sugan yihiin magaaladda Cadaado. Maamulka ugu dambeeya ee loo sameynayo Hiiraan iyo Shabelaha dhexe waxaa iyana dhawaan uu Madaxweyne Xassan Sheekh uu sheegay in shirka gogasha lagu qabto magaalada Jowhar caasimadna ay u noqoto magaalada Buulaburde.

Hadaba maxeey kula tahay aqristoow waxa sababay Khilaafka ka taagan Caasimadaha maamul goboleedyada?…

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.