Wafdi ka socda Xukuumadda oo gaaray Jowhar & ujeedada socdaalkooda

Ciida iyo Jowhar
Ciida iyo Jowhar

Magaalada Jowhar oo dhawaan loo magacaabay ineey marti galineyso shirka maamul u samaynta Hiiraan & Shabeelada Dhexe, ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheeyraadka Badda Maxamed Cumar Ceeymooy, sidoo kale waxaa wafdigaan kamid ah R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaan Finlandes ah.

Wasiirka Kalluumeeysiga Maxamed Cumar Ceeymooy, ayaa warbaahinta u sheegay in Ujeedada Socdaalkooda ay tahay, sidii ay maamulka Shabeelaha Dhexe ugu wareejin lahaayeen deeq Daawo ah oo ka timid dalka Finland.

“Dadka dagan Shabeelaha Dhexe aad beey noo soo dhaweeyeen, Maamul iyo shacab looma kala harin” ayuu yiri wasiirka Kalluumeeysiga iyo Kheeyraadka Badda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.