UK: Haweeneey Soomaaliyeed oo ku geeriyootay shil Baabuur

download (5)Baarayaasha Boliska Britain ayaa shaaciyey haybta Haweeney bishan December 11-dii u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaari Xamuul ah oo ku jiiray Waddo Isgoys ah oo ku taalla Degmadda Harlesden.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jirey Nadiya Gaangari ayaa la sheegay inuu geeriyootay 45-daqiiqo kadib, markii uu gaariga jug siiyey,

Dhakhaatiirta Isbitaalka  Northwick Park Hospital ayaa la sheegay inay bishan 15-dii baaritaan ku sameeyeen Marxuumadda, waxayna shaaciyeen inay u geeriyootay dhaawacyo jajab ah oo ka soo gaaray Shilkaasi.

Marxuumadaasi oo 62 jir ahayd waxay deganayd Degmadda Paddington ee Gobalka England ee dalka Britain, waxayna Boliska sheegeen inaysan weli soo qabanin  Dareewalkii geystay shilkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.