Duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Shabeelaha Hoose

drone-Duqayn xoogan, ayaa waxay xalay ka dhacday deegaanka Shanta Ameerika, oo ka hoos-tagta Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Duqayntan oo ay fulisay diyaarad Drone ahayd, ayaa waxay beegsatay gaadiid ay la socdeen xubno Ururka Al Shabaab ka tirsan. Gantaal ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkaasi, iyadoona uu dab qabsaday gaarigaasi.

Cabdi Ibraahim Shaamow, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa xaqiijiyay in duqayntaasi lala beegsaday Saraakiil Ururka Al Shabaab ka tirsan, balse aanay faah faahin karin waxa ay isugu jireen Saraakiishaasi.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in weerarkaasi lagu dilay Saraakiil uu ku jiro Madaxii Jabhadaynta Al Shabaab, oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Cuteyba.

Ma jirto cid sheegatay duqaynta ka dhacday Shanta Ameerika oo ay ka arrimiso Al Shabaab, sidoo kalana waxaan jirin wax war ihi oo ka soo baxay Shabaab. Shabaabku loogama baran inay ka hadlaan weerarada kaga imaanaaya diyaaradaha dagaalka ee wadamada shisheeye.

Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa laf-dhabar u noqday goobaha ay weerarada cirka ihi ka fulinayaan diyaaradaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.