Dhagayso: Dilal qorsheysan oo maanta Muqdisho ka dhacay

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta  u sheegay in dabley baabuur wadata inay toogteen nin la socday baabuur kale. Ninkaasi ayaa wararku sheegayaan inuu goobta ku geeriyooday.

Wararka waxa kale oo ay sheegayaan in ninka la dilay uu ahaa xubin ka tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. Weli lama yaqaan magaciisa.

Sidoo kale, qof u shaqeynayey Bankiga Dhexe ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, halka qof kalena uu ku geeriyooday shil baabuur.

1 COMMENT

  1. Inaa Lilaahi wa inaa Illahay Raajicuun.

    Dowladda Soomaaliya aad bey ugu Mahadasan tahay Dadaaladda ay ku Xaqiijineyso Amniga magaladda.

    Guri waxaa ugu xun kan laga soo abaabulo dhibaato lagu waxyeeleynaayo dadka shacabka. WAXAASE AYAAN DARRO AH HOOYADDA WIILKEEDA INTA AY QURAAC SOO SIISO, KADIBNA U SOO SHAQO TAGAYO dhibaateynta shacabka. Waa arin Aad u FOOL XUN, UUNA KA FOGAADO KANA FEEJIGNAADO QOF CAQLI FAYOW & DAMIIR BENI AADANANIMO INTUBA LEH, SABABTOO AH DHANKA ALLE SWT HORTIISA MA JIRO DAMBI KA WEYN OO LA GALAA KADIB SHIRKIGA, WAXAA KU XIGGA WAA DAADINTA DHIIGA QOF MUSLIMKA AH.INAA QOF MUSLIM AH DHIIGIISA LA DAADIN. ALLE AYAAN KA MAGAN GALNAYEY.

    Dambiilayaasha dhibka geystay, waa iney arkaan dambi qof aan waxba galabsan laga galo, cawaaqibka uu leeyahay. WAXAAN DHIHI LAHAA DOWLADDA HA XAKAMEYSO WAQTI FIICANA HA GELISO SOO QAQABASHADDA, MAXKAMADEYNTA & IN XABSIGA UU NOQDO HOYGA DAMBILAAYASHA.

    XAKAMEYN DAMBIILAHA & XABSI U TAXAABID WAA XALKA UGU DAMBEYO OO AY SHACABKA KAGA NABADGELI KARAAN FALALKA GURACAN EE LAGULA KACO SHACABKA…

    SHACABKA & DOWLADDA SOOMALIYA FIIRO GAAR AH HA U YEESHAAN DAMBIYADDA LAGULA KACO QURBO JOOGTA DADKA DIBADIISA KA SOO NOQONEYSA.

    DAMIILE & XUKUNKIISA XABSI, EHELADDA DHIBANAYASHA OO XAAALADOODA LA WANAAJIYO WAA XAL KA UGU DAMBEEYO EE CADAALADDA LAGU MARTI SOORI KARO.

    NABAD & NOLOL

Leave a Reply to cabdi majiid Cancel reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.