Xasan: Ma samayn doono mudo kororsi+Cod

750x-1Madaxweynah Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku celiyay in Dowladiisa aysan sameyn doonin wax la yiraahdo muddo kororsi, marka la gaaro waqtiga uu ku eeg yahay Dowladda hada Shaqeysa.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay September 2012 inuu xilka dalka la wareegay, marka la gaaro 2016 September dalka inay ka dhaceyso Doorasho lagu soo dooranayo Madaxweynaha cusub.

Waxa uu Madaxweynaha cadeeyay inuu ka shaqeynayo sidii uu mar kale ku soo noqon lahaa, balse uu ku tartamaayo Doorasho oo aysan jiri doonin muddo kororsi inuu sameysto.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Siyaasada inay u baahan tahay adkeysi iyo inaad haysato garbo aad ku duusho, taasi oo ula jeedo saaxiibo kaa taageera dhanka Siyaasada.

Isaga oo hadalka siiwata Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu tilmaamay Dhalinyarada Somaliyed in laga rabo inay soo galaan Siyaasada dalka balse uu ku wargeliyay in siyaasada ay tahay mid adag.

Wax ka yar hal sano ayaa ka dhiman Waqtiga Dowladda Xasan Sheekh uga haray tallada dalka, kadibna dalka waxaa ka dhacaya Doorasho lagu soo dooran doono hogaan cusub.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.