Guardiola oo aqbalay inuu qabto shaqada Man City

pep-guardiola_3531236b

War saakay lagu daabacay mid kamid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Jarmalka, ayaa lagu sheegay in tababaraha Bayern Peb Guardiola uu aqbalay inuu noqda tababaraha Man City xli ciyaareedka soo socda.

Macalinka reer Spain, ayaa go’aansaday inuu isaga tago shaqada Bayern marka uu soo idlaado xili ciyaareedkan, waxaana warar hoose ay sheegayaan inuu heshiis la gaaray naadiga Man City ee ka dhisan horyaalka Ingiriiska.

“Beri, Beri” sidaa ayuu ku jawaabay Guardiola mar ay shalay wariyaasha su’aaleen mustaqbalkiisa, kadib markii ay soo dhamaatay Ciyaartii Bayern iyo Hannover.

Hadaba Guardiola, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Axad ah qabto shir jaraa’id, kaasoo uu ku faah faahinayo halka uu ku wajahanyahay.

Maamulka sare ee Bavarian-ka, ayaa horay u shaaciyay in Guardiola uu diiday inuu u kordhiyo qandaraaska, kadib sadex sano oo uu guulo waaweyn la qeybsaday Bayern.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.