Rio Ferdinand oo maamulka United ugu baaqay ineey keenaan Guardiola

01_18213411_c3e307_2610400a

Halyeeygii hore ee United Rio Ferdinand, ayaa Manchester United ugu baaqay ineeysan dayicin fursada lasoo wareegida macalinka guulaha u saaxiibka ah ee Peb Guardiola, kaasoo diiday inuu qandaraaska u kordhiyo naadiga Bayern Munchen.

Guardiola, ayaa qandaraaska uu kula jiro Bayern dhacaya marka uu sanadkaan dhamaado, waxaana uu si cad u diiday inuu u kordhiyo. Guardiola ayaa in mudo ah waxaa raacdeeysanayay naadiga qarashka carabta lagu fan gareeyo ee City.

United ayaan dooneyn ineey qandaraaska u kordhiso macalinka haatan leyliya ee Van Gaal, kaasoo hada uu saaranyahay cadaadis xoogan, kadib markii ay wareega 1-aad uga soo hartay United tartanka Horyaalada Yurub.

“Fursada waa halmar waana inaad ka faa’iideeysataa, haatan ma cada halka uu aadi dooni marka uu ka tago shaqada Bayern, waxaa loo baahanyahay in United ay ka faa’iideeysato” ayuu yiri Ferdinand.

Daaficii hore ee United Rio Ferdinand
Daaficii hore ee United Rio Ferdinand

“Waxaan hubaa meesha kaliya uu aadi doono ineey tahay Ingiriiska, uma maleeynaayo inuu aadi doono Talyaaniga ama Spain”.

“Waxa uu guulo waaweyn kasoo hooyay Spain iyo Germany, talaabadiisa xigtana waa Ingiriiska” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Ineey wareega 1-aad kusoo hareen tartanka Horyaalka Yurub iyo ineeysan 5 kulan wax guul ah gaarin United, ayaa cadaadiska kusii kordhisay tababaraha reer Holland ee Luis Van Gaal.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.