Maxaa kajira in Guuleed uu is-hortaagay in qaab deegaan lagu soo xulo Baarlamanka 2016?

Madaxweynaha Galmudug Guuleed
Madaxweynaha Galmudug Guuleed

Iyadoo maalmo kahor magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga, islamarkaasina laga soo saaray dhowr qodob, ayaa waxaa soo baxaya warar hoose oo lagu kalsoonaan karo oo la xiriira in Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, uu daqiiqadihii u dambeeyay ee shirka is-hortaag ku sameeyay in qaab deegaan loo soo xulo Baarlamanka 2016.

Shirka madasha oo maalmo laysku mari la’aa 2 qodob oo kala ah in qaab deegaan lagu soo xulo Baarlamaanka iyo in qaabka 4.5 lagu soo xulo, ayaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland waxay ku guuleeysteen ineey Madaxweyne Xasan shiikh ka dhaadhiciyaan in qaab deegaan lagu soo xulo Baarlaman ka kooban 225 mudane.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa markii qorshahaan laga dhaadhicinayay Madaxweyne Xasan Shiikh ku maqnaa magaalada Beledweyne, halkaasoo uu kusoo dhexdhexaadinayay maleeshiyo beeleedyo is dagaalay, waxayna keentay taas in si degdeg ah loogu yeero Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaasina loo diyo Diyaarad qaas ah, taasoo Muqdisho kasoo dejisay.

Shirarkii kala gaarka ahaa ee dhacay subaxnimadii Arbacada ee lasoo dhaafay ilaa Duhurteedi, ayaa Madaxweyne Guuleed waxa uu meesha ka saaray in qaab deegaan wax lagu soo xulo, sidoo kale wuxuu si cad u diiday in tirada Baarlamanka laga dhigo 225, asigoona ku tilmaamay mid kasoo horjeeda Dastuurka dalka.

Is mari waaga arinta doorashada ayaa dib usoo laabatay iyadoona shirkii lagu waday in lasoo xiro Duhurnimadii doraad uu gaaray ilaa maqribkii, waxaana ay arintaan iska horkeentay madaxda doowlada qaarkood oo markii dambe ku qasbanaaday in qodobo war-murtiyeed ah lasoo saaro, kaasoo ah in shir kale lagu qabto magaalada Kismaayo.

 

1 COMMENT

  1. Hadda way adag tahay in la qabto Doorasho One Man One Vote. Sida muuqata Soomaliya hada waxay ay ka soo kabsaneysaa Dhibaato & Colaaddo Dagaal oo dib u dhac weyn ku keenay Habasami u socodkii Nolosha Sacabka Soomaliyeed. waxa qabyo ah dhismaha maamul goboleedyadda, oo hada u weli socdo dadalkii maamulka hiiran & Shabeelaha Dhexe, of somalia, waxaa kaloo lo baahan yahay in dhameystiro maamulka khaatumo State, iyo Awdal State of somalia oo iyagu qeyb ka noqon doona maamuladda dalka ka jira, waxaa kaloo meesha ka mareyneyn inaan la sameyn xuduudo rasmi ah oo ay yeelanayaan mamul goboleedyadda. WAqtigaani ma suurobeyso in doorasho dalkoo dhan ka dhacda la qabto. Doorashadda waxaa la gaari karaa in marka hore Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku soo dabaasho NAbadgelyo Buuxa, guud ahan Soomaliya. lana helo maamul goboleedyo si buuxda uga shaqeynaayo guud ahaan Soomaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.