Kadib raacdeynti Mourinho Chelsea oo la xiriirtay Guardiola

Guardiola-2Chelsea ayaa xidhiidh la samaysay tababaraha kooxda Bayern Munich ee Pep Guardiola kaas oo isaguna iska diiday in uu wax heshiis cusub ah u saxiixo kooxda Bavaria, wuxuuna dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doonaa Allianz Arena, Chelsea ayaana diirada ku haysa in ay Guardiola ka soo dejiso kooxdeeda.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail markii ay Blues la xidhiidhay Guardiola ayuu shuruud ku xidhay in uu yimaado Stamfrod Bridge marka ay maamulka Chelsea xagaaga magacaabi doonaan tababare joogto ah, wuxuuna dalbaday in 10 ciyaartoy loo soo iibiyo haddii la doonayo in uu Stamfrid Bridge maamulkeeda kala wareego Mourinho.

Chelsea ayaan ku deg degi doonin in ay kooxdeeda tababare rasmi ah u magacawdo waxaana la fahansan yahay in inta xili ciyaareedkan ka hadhay ay magacaabi doonaan tababare ku meel gaadh ah basle marka uu xili ciyaareedku dhamaado ay kooxda u samayn doonaan tababare rasmi ah.

Shaqo ka caydhinta Mourinho ayaa ah markii 10 aad ee ay Chelsea tababare eriday tan iyo sanadkii 2003 kii taas oo ka dhigaysa kooxda ugu badan Yurub ee badashay tababarayaasheeda, waxayna tababarayaasha Yurub ugu sareeyaa ay ka cabsi qabaan in haddii ay Chelsea qabtaan ay noqon doonaan tababaraha 11 aad ee Chelsea laga ruqsayn doono.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.