Dhagayso: Horumarka Kubbadda cagta ee Soomaaliya+Sawiro

Horseed oo ku guuleeysatay Koobka Jeneral Daa'uud
Horseed oo ku guuleeysatay Koobka Jeneral Daa’uud

Soomaaliya waxay baahisay ciyaartii ugu horreysay ee toos looga daawado television taariikhda ciyaaraha ee dalka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka General Daa’uud oo ka dhacday garoonka Stadio Benadir ee caasimadda Muqdisho, waxaa laga daawaday televisionka qaranka.

Dadweyne gaaraya 10 kun oo qof ayaa tegay garoonka si ay uga qayb galaan daawashada ciyaarta oo dhexmartay kooxaha Horseed oo magaca ciidammada milateriga ku ciyaaraysay iyo Heegan oo magaca Boliiska ka ciyaaraysa, halka magaalada oo dhan laga daawanayay shaashadaha television-ada gaarka loo leeyahay iyo kuwa yaalla goobaha bulshadu isugu tagto intaba.

1910016_10153511127319475_2957572747816038248_n

Waxaana koobka qaadday kooxda Horseed oo 2-1 uga badisay Heegan ciyaar ay aad uga heleen dadkii u soo daawasho tegay.

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ee Soomaaliya, Cabdiqani Saciid Carab waxaa uu sheegay in arrintani ay tahay riyo ay muddo dheer qabeen oo dhab noqotay.

12342466_10153511127324475_3721980239237928450_n

“Waa calaamad kale oo muujinaysa in noloshu tartiib-tartiib ugu soo noqonayso Soomaaliya kaddib sannado badan oo dagaal iyo fowdo lagu soo jiray.

halkan ka dhegeyso waraysi ay BBC-da la yeelatay oo marka hore uu weydiiyay muhiimadda tartanka koobka General Daa’uud.

12347804_10153511127334475_2054065028770083158_n 12347961_10153511130594475_4632611187150198429_n 12359848_10153511127314475_8655311970444115614_n 12373303_10153511127339475_776192740065680846_n 12391458_10153511127309475_6495242646250862706_n

Xigasho: BBC

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.