Booliska London oo baadigoob xoogan ku haya gabdho Soomaali ah

BOOLISCiidamada Booliska dalka Britain, ayaa raadinaya saddex gabdhood oo Somali ah balse haysta dhalasho Britain kuwaasoo  la la’ayahay toddobaad. Waalidiinta gabadhahan ayaa soo wargeliyey ciidamada Booliska inay  la’yihiin ilmahooda.

Saddexda Gabdho ee la raadinaayo ayaa ah kuwa aad u da’yar, waxaanan la ogeyn halka ay aadeen, laakiin Booliska ayaa wada howlgalka lagu baadigoobayo Gabdhahaasi.

Gabdhaha la raadinaayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Abir Saalax oo 16-jir ah, Axlaam Saalax oo 15 jir ah iyo Fardowsa Xasan oo 13-jir ah, kuwaasi oo degganaa Xaafadda Wood Green ee Waqooyiga Magaalada London.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegayaan inaysan aaminsaneyn in Gabdhahaasi ay ka baxeen magaalada London oo dibada ay u safreen, balse ay suuragal tahay sida Booliska ay sheegayaan inay gabdhahaasi dhex jiifaan basaska magaalada isaga kala goosha.

Waalidiinta dhalay caruurtaan ayaa waxa ay qabaan walaac badan oo ku aadan in gabdhahooda ay doonayaan in ay  ku biiraan Daacish, maadaama ay horay ay u dhacday gabdho ku biiray Daacish oo London ka tagay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.