R/wasaaraha oo kullan xasaasi ah la leh Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka

images (12)War goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Raysal wasaare cumar c/rashiid uu maanta kulan laqaatay ku dhawaad 60 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya.

Xildhibaanada aya rayasal wasaaraha usheegay in talaabo kasta oo laqaadaa ay noqoto mid dastuurka dalka waafaqsan taasoo loola jeedo habka 4.5 oo sidaa dastuurku qorayo ah mid waqtigiisu dhamaaday.

Xildhibaanadu waxay kaloo usheegay raysalwasaare rashiid inaysan dhaci karin in masiirka umada soomaaliyeed lagu qanciyo dad iyo dowlado gaar ah sida uu ii xaqiijiyey mid kamid ah xildhibaanada kulan kaas kaqayb galay oo codsaday inaan lamagacaabin.

Sidoo kale wararku waxay  sheegayaan in madaxda shirku uga socday muqdisho ay hada kulan kula leeyihiin xalane ergayga Gaarka ee Qm uqaabilsan soomaaliya si loo soo afmeero kulamadooda aan guusha laga gaarin, waxa filayo inay galabta soo baxaana waxaa kamid ah sida aan xogta ku helay balan dame iyo kulan lagu qabto magaalada garoowe 10 ilaa 20 janayo ee 2016 ka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.