Shirka madasha wadatashiga oo aan maanta furmin & qodobada wali laysku mari la’yahay

Ahirka madasha wadatashiga
Ahirka madasha wadatashiga

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta hakad ku jira illaa iyo iminka, oo aanu weli furman, xilli la isku fahmi la’ yahay qodobada laga doodayey qaarkood.

Madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ku sugan xarunta shirka, balse shirka ayaan weli furmin.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in laga yaabo in shirka maanta lasoo xiro, la iskuna soo laabto bisha dambe, inkatsa oo weli aan la isku fahmin qodobadii laga doodayey.

Laba ka mid ah qodobada ayaa dhaliyey doodda ugu weyn, kuwaas oo ah in wax lagu qeybsado 4.5 ama in wax lagu qeybsado hab deegaan ama degmo.

Wararku waxa ay sheegayaan inay u badan tahay in 4.5 la qaato, balse marka hore madaxweynayaasha gobolladda ay ku laaban doonaan goboladooda, kana soo dhaadhicin doonaan dadkooda, inta ka horeysana aan wax go’aan la shaacin doonin.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.