Gaas: “Abgaal & Majeerteen waa ku dulmanyihiin nidaamka 4.5”

Gaas oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ee Muqdisho
Gaas oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ee Muqdisho

Kullan gaar ah oo Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo siyaasiyiinta Beesha Abgaal, ayaa Gaas wuxuu ka sheegay in beelaha Abgaal iyo Majeerteen ay ku dulmanyihiin nidaamka 4.5, waxaana uu sheegay ineeysan mar dambe yeeli doonin in nidaamkaas ay Soomaali markale wax ku qeybsato.

Gaas, waxa uu sheegay in Majeerteen iyo Abgaal ay yihiin beelo heli kara in ka badan 20 Degmo, islamarkaasna mid kasto uu helo Xildhibaano 4 laab kabadan inta ay hada ku leeyihiin Baarlamaanka Federaalka ee ku saleysan 4.5.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiin Abgaal, ayaa maalmahaan u ololeeynayay in qaab deegaan lagu saleeyo doorashada 2016, halka siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle iyo maamulka Galmudugna ay u ololeynayaan qaabka 4.5.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.