Dhagayso: Qarax ay ku dhinteen 4 askari oo ka dhacay Afgooye

afgooye baabuurUgu yaraan afar ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku geeriyootay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qarax oo ahaa miino ayaa lala beegsaday baabuur nooca loo yaqaan Cabdi Bile ee dusha ka furaay oo askartu la socdeen, kaasi oo marayey duleedka Afgooye.

Geerida askartan ayaa waxaa idaacadda VOA u xaqiijiyey ilo-wareedyo kala duwan, oo ku sugan degmada Afgooye.

Halkan ka dhagayso wareysi ku saabsan Qaraxa:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.