Ciidamada Itoobiya oo la wareegay garoonka Dhuusa-mareeb

images (1)Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM, ayaa lagu soo waramayaa ineey saakay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusa-mareeb.

Goobjoogayaal ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo wata ilaa 8 Gaadiid oo kuwa dagaalka ah, ay saakay gudaha u galeen garoonka.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo horay u joogay garoonka ay ciidamadani ka eryeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in garoonka uu ka mid yahay goobo loo asteeyay inay saldhigyo ka dhigtaan ciidamada ee ku sugan magaaladaas.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay doonayaan in ay dib u furaan garoonka Dhuuso-mareeb, kaasoo in muddo ah aan shaqeyn, inkastoo weli aysan jirin cid arrintan si rasmi ah ugu dhawaaqday.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli lagu wado in dhawaan uu magaalada Dhuuso-mareeb ka furmo wadahadallo ay yeelanayaan maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, kaas oo lagu xallinayo khilaafyo labada dhinac u dhexeeyay.

 

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.