Sacuudiga oo looga dhawaaqay isbahaysi 34 Doowladood ka kooban

MOHAMED-BIN-SALMANBoqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday isbahaysi ka kooban 34 Doowladood oo ay Soomaaliya kamid tahay, Isbahaysigaan ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu ula dagaalami lahaa ururada argagixisada ee ka dhisan dalalka Islaamka.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa Saakayto baahisay War-murtiyeedka Isbahaysiga dowladaha Islaamka ee La-dagaalanka Kooxaha Khatarta ku ah Islaamka ee geysta Falalka Argagixisadda.

RIYAD

Isbahaysigaasi waxay Xaruntiisa Dhexe ee Xiriirinta iyo Taageeradda Hawlgalladda Milliteri noqonaysaa Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad.

Wasiirka Gaashaandhiga, ahna Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa saakayto Suxufiyiinta u sheegay Qorshaha Isbahaysigaasi, oo ay xubno ka yihiin 34-Dowladood oo kala ah: Sacuudiga, Somalia, Jabuuti, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Urddun, Baxrayn, Bangaladesh, Benin, Chad, Togo, Tunisia, Senigal, Sudan, Sieera Leone, Gabon, Gini, Falastiin, Komoros, Qatar, Ivory Coast, Kuweyt, Lubnaan, Libya, Maldevis, Mali, Malaysia, Masar, Moroko, Murutania, Nigeria, Niger iyo Yemen.

Salman02_3516191b

Dhinaca kale, 10-Dowladood oo ay ka mid tahay Indonesia ayaa taageeray Isbahaysiga, kuwaasi oo la filayo inay ku soo biiraan Hawlgalkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.