Shaqaale u shaqeeynayay QM oo Muqdisho lagu dilay

12279215_712114495555793_4149182656188870826_nWaxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho lagu dilay laba qof oo saarnaa gaari nooca yar yar ah, iyadoona lagu weeraray xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan.

Dabley hubeysan oo la socday gaari kale, ayaa ku hor jaray gaarigii ay wateen labadaasi qof, iyagoona durbaba rasaas xoogan oodda kaga qaaday.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in dableydaasi ay ku baxsatay gaarigii ay wateen, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo, iyadoo aanay weli kala cadayn cidda ay ka tirsan yihiin.

Ciidamada Dowladda oo ku baxay goobtii uu falkaasi ka dhacay, ayaa waxay ka wadaan baaritaano ka dhan ah dembiilayaasha, si gacanta loogu soo dhigo, cadaaladana loo horkeeno.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in labadaasi qof ay ka tirsanaayeen Hay’adda UNHCR, inkastoo aanay jirin cid illaa iyo hadda faah faahin ka bixisay waxa ay ahaayeen dadkaasi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.