Garoonka Aadan Cadde oo xalay weerar looga soo qaaday dhinaca Badda

Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International
Waa mid kamid ah Diyaaradaha Shacabka oo ka duuleysa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Abdule International

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in kooxo Doomaha dheereeya oo ay ku xiranyihiin Qoryaha boobayaasha, ay xalay weerar culus kusoo qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Adde International Airport.

Inta badan dadka ku nool magaalada Muqdisho, ayaa maqlayay rasaasta xoogan ee ka dhaceysay aaga Garoonka.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka iyo kuwa DF, ayaa lasoo warinayaa ineey sameeyeen iska caabin xoogan, islamarkaasina ay kooxihii weerarka soo qaaday dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.

Majirto wali cid sheegatay weerarkaan, balse waxaa la wada ogsoonyahay in kooxda Al-shabaab oo dagaal xoogan kula jirta ciidamada shisheeye iyo kuwa DF, ay sheegtaan inta badan weerarada lagu soo qaado xaruumaha Doowlada.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.