Abwaan Gabay ku taageeray weerarkii Paris oo Hargeysa lagu xiray

Abwaan Gama' diid
Abwaan Gama’ diid

Ciidamada Booliska  Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey Abwaan Cabdiwaaxid Gamadiid oo kamid ahaa tageerayaasha ururada islaamiga ah kadib markii uu gabey cusub tiriyey.

Ciidmaada Booiska Somaliland ayaa Gamadiid ka qabtey gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa kadib markii uu dhowaan tiriyey gabey uu ku tageerayo weerarkii ururka daacaish u gaysteen magaalada Paris ee wadanka Faransiika

Abwaankaan oo horey u tiriyey gabey uu ku tageerayo weerarkii ururka Al-shabaab ku qaadeen suuqa Westgate ayaa waxaa Feb 2014 laga sii daayey xabsiga dowlada Somaliland isagoo u amabaxey Puntland.

Ciidamada sirdoonka Dowlada Puntland ayaa Gamadiid ku xirey markale magaalada Bosaso iyagoo ku haysta gabeygaas uu ku taageerayey werarkii ururka Al-shabaab u gaysteen shacablkii ka dukaameysanyey suuqa Wesgate.

Abwaankaan oo muddo lix bilood ah ku xirnaa Bosaaso [Puntland] ayaa waxaa cafis u fidyey madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas July 2015 kadib markii odey dhaqameedyo ka yimid Somaliland oo kaashanaya kuwa Puntland  kula kulmeen magaalo madaxda Garowe.

Xigasho: Garoweonline

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.