Diini: “ISIS uma ogolaan doono ineey ku faafto Soomaaliya”

Wasiirka Gaashaandhiga "Diini"
Wasiirka Gaashaandhiga “Diini”

Wasiirka Gaashaandhiga DF C/qaadir Shiikh Cali Diini, ayaa isagoo wareysi siinaya Idaacada VOA, waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin is ururka ISIS ay isku faafiyaan Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada Xooga iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya aysan marnaba ISIS iyo Al-shabaab jaanis u siin doonin ineey saldhigyo waaweyn ka samaystaan gudaha Soomaaliya oo ay is faafiyaan.

“Ciidamada Xooga oo kaashanaya shacabkooda uma ogolaan doonaan ISIS ineey isku faafiyaan Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga.

Hadalka wasiirka Gaashaandhiga ayaa kusoo aadaya xili xoogag taabacsan ISIS ay dhaqdhaqaaq xoogan ka wadaan Jubooyinka iyo Gedo.

Saraakiil ajnabi u badan oo ka goostay Al-shabaab iyo dagaalyahano, ayaa ku biiray Daacish, waxayna hada dhaqdhaqaayo ka wadaan Gedo iyo Jubooyinka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.