USA: Macalimad ardayad Soomaaliyeed faquuqday

aabeheeda-oo-kor-u-haya-Boorsadda-gabadhiisa

Macallimad Maraykan oo wax ka dhigta Dugsiga Shiloh Middle School oo u dhow
magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia ee dalka Maraykanka ayaa waxay hadal-nacayb weliba Faquuq wehliyey ku tiri gabadh Somali ah  oo dhigata Dugsigaasi.

Macallimadda oo aan magaceeda la shaacinin ayaa waxay gabadha Soomaalida oo 12-jir ah dhigatana Fasalka 8-aad si qaldan u weydiisay haddii ay Bam ku wadato Boorsadda lagu qaato Buugaagta.

Waxayna gabadhii u sheegtay Macallimadeeda inay boorsadda ku wadato Buugaagtii Dugsiga.

backpack12n-2-web

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdirizak Aadam oo dhalay gabadha ayaa sheegay inay gabadhiisa ka argagaxday hadalka Macallimadda, maadaama aysan ka filayn erayo noocaasi ah Macallimadeeda.

Waxa u uintaasi ku daray inay Gabadhiisa u sheegtay Macallimadda  inay Buugaag ku wadato Boorsada.

backpack12n-3-web

Abdirizak Aden oo ah Ganacsade leh Bakhaar ahna Dareewal ayaa u sheegay Wargeyska The Atlanta Journal-Constitution inay gabadhiisa oo ku sii jeeda Fasalka in ay joojisay Macallimad, o oweydiisay waxay dhabarka ku sidato.

Waxa uu intaasi ku daray inay gabadhiisa u sheegtay Macallimadda inay xambaarsan tahay Buugaagta Dugsiga, balse Macallimaddii ayaa sii weydiisay haddii ay Bam ku wadato Boorsadda.

aabeheeda-oo-kor-u-haya-Boorsadda-gabadhiisa

Abdirizak Aden waxa uu Wargeyska u sheegay inuu u tegay Kaaliyaha Maamulaha Dugsiga una sheegay qaladka ay Macallimadda ka gashay gabadhiisa, wuxuuna sheegay inuusan carruurtiisa barin in dadka la naco, mana doonayo inay dadka kale nacayb u muujiyaan ilmahiisa.

“Waxaan ka nimid Afrika, Waxaan nahay Muslim, waxaan ku nool nahay Maraykanka” ayuu yiri Aabahaasi, oo  intaasi ku daray inuu doonayo inuu gabadhiisa ka saaro Dugsigaasi (Shiloh Middle School).

Dhinaca kale, Afhayeenadda Dugsiyadda Dowladda ee ku yaalla Gwinnett County, Saloan Roach ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Atlanta Journal Constitution inay Macallimadda weydiisay Ardayadda haddii ay Bam wadato.

ENGINEERKA-SAACADDA-AXMED-MAXAMED-SUDAN-630x420

Dhacdadaasi ayaa noqonaysa tii Labaad oo lagu kacayo Ardayda Muslimiinta ee wax ku barta dalka Maraykanka.

Bishii October, Arday u dhashay dalka Sudan oo lagu magacaabo Ahmed Mohamed ayey Macallimadiisa ugu yeertay Boliska, kadib, markii uu si caadi ah u tusiyey Saaxcad uu isagu soo farsameeyey.

boorsada-gabadha-ardayadda-wadatay-1-563x420

Macallimadaasi waxay Boliska u sheegtay inuu wiilkaasi qarax wato, waxaana Ardayga inta la xiray loo kaxeeyey Salldhigga boliska, balse, waxaa ugu dambeyntii la ogaaday in qalabka uu watay ahaa Saacad uu isagu soo hindisay, soona farsameeyey.

Madaxweyne Barack Obama ayaa wiilkaasi la kulmay, kana raalli-geliyey qaladkaasi, balse Qoyska Wiilkaasi ayaa go’aansaday inay Wiilkooda ka saaraan Dugsiga loogu geystay Tacadiga.

Waxay Qoyskaasi u soo guureen dalka Qatar, halkaasi  oo uu Wiilkooda ka dhigto Dugsi, iyadoo ay Dowladda Qatar ka bixinayso Kharajka Iskuulka.

Xigasho: Dalsan

1 COMMENT

  1. Shacabka Soomaliyeed ee ku nool Qurbaha Gaar ahan ( US-Canada-UK-Australia iwm ) –

    Dhamaan wax iska warqab & Xiriir ah oo inaga dhaxeeyo ma jirto – Nasiib Daradda Na heysato ayay ka mid tahay. in shucuub dhan. Qeyb qeyb meel loogu go’doomiyo, kadibna dagaal dhinac weliba ah, haba uGu badnaadeen midka ku saleysan Dhaqan& Diin naceybka ku saleysan oo ay Si joogta ah oogu Shcabka Soomaliyeed ugala kulmaan, Dadka ay dalkooda ku nool yihin..!!!

    Alle umadda ha ka bad badaayo Dhibaatadda ku saleysan Jinsi Naceybka. laakiin waxaa looga bixi kara waa in labo arimood la sameeyo –

    1. in shacab weliba ee ku nool degmo ama magaalooyinka ka tirsan Dowladda US-Canada_australia-Uk-Norway_Sweden-Newzeanland_denimark iwm. In jaaliyadaha ay is agaasimaan Sameystaana Guddi wakiil ka ah ( Cod Shacabka kaasi oo ka u taagan inu ka jawabo dhibaatooyinka Noocaan oo kale ah – Iskuulka lagu arko inuu ka jiro Midab naceyb-na la Dacweeyo Maclinka/macalimadda dhibka u geystay caruurta an waxba ogeyn iyadoo u dan leh iney BAHDIL KUSAMEYSO. CARUURTA SOOMALIYEED. — waa in waalidiinta Soomalida ah ee iskuulkaasi dhigtaan ka fariistaan arintaan kadibna ay GO’AAN KA GAARAN. SABABTOO ah falka ku saleysan cunsirinimadda haddii an la iska dhicin. meesheeda ayay ka sii soconeys aa.. waalidiinta Soomalida ah waa inuu jira iska warqab dhexdooda ah. Falalka ku saleysan Jinsi & Diin Naceybkana ay sameysaan Guddi Soomali ah oo lagu wargeliyo arintaasi- gudigaasina ay shaqadiisa noqoto inuu diiwan geliyo- lana xiriiro Maamulka Sare ee Schoolka.

    Haddii ay wax ka qabtaan, waa gooni, laakiin haddii ay wax ka qaban waayaan waa in waalidiinta iskuulka hortisa ay kubanaan baxaan. markasi wa la arkaya oo wa la tixgelinaya. laakiin haddii laga aamuso. mar weliba dhibka noocaan oo kale ah waa soconaya.

    2. in Dowladda Soomalida ah noqoto Dowladda Waxqabad leh. oo u adeegto Shacabka Soomaliyed, Gudaha & Dibadd ba. Safaradaha Soomaliya ee dowladdaha reer gal beedka waa in La furaa, si loo bad baadiyo Shacabka Soomalida ah ee dhinac weliba Dagaalka uga socda. Walahi waa nasiib darro haddii aysan jirin Safaarad ama Qunsul Matala Shacabka Soomalida ah ee Dulman. Dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa iney shaqadeeda u fidiso dibaddaha gar ahan dalalka ay shacabka soomaliyeed dhibaatadda joogtadda ah kala kulmaan…SAFAARADDO CUSUB OO SOOMALIYEED EE LAGA FURO -US-UK-CANADA-AUSTRALIA IWM safaradahasi oo isla shaqeya, shacabnkana u shaqeeyo waa LAMA HURAAN. WAANA IN SI DHAQSO AH LOOGU DHAQAAQO DHISMAHOODA & KA SHAQEYSIINTOODA.

    SOOMALIDA CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA.

Leave a Reply to CRISAAQ YARE Cancel reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.