7 qof oo ku dhimatay dagaal maanta ka dhacay Baladweyne

DagaalMagaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal beeleed kaas oo sababay dhimashada illaa 7 qof halka dhaawacuna kor u dhaafay illaa 36 qof.

Agaasimaha Cusbitaalka Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif ayaa VOA u sheegay in dhaawac kala duwan la soo gaadhsiiyey cusbitaalkooda isla markaana ay qalliin u sameeyeen illaa afar ka mid ah.

Dagaalkani ayaa salka ku hayo xiisado hore u taagnaa deegaanka.

 

1 COMMENT

  1. HIIGSIGA  DOORASHO – WAA FIICAN TAHAY IN LAGA HADLO QAABKA & WAQTIGA AY DOORASHADDA WADANKA  DHACEYSO, LAAKIIN WAXAA KA MUHIIMSAN IN MARKA HORE LA JOOJIYO DHIIGA MUWAADINKA SOOMALIGA AH EE QUBANAYA. WAA NASIIB DARRO IN SAACADAAN DAGAAL AHLI AH UU KA SOCDO QEYBO KAMID AH DALKA. !

    MADAXDA QARANKA & KUWA MAAMUL GOBOLEEDYADDABA WAXAA WAAJIB KA SAARAN DAMINTA COLAADDA & DAGAALADDA KA SOCDA BALAXWEYNE & MARKA & DHAMAAN GOOBAHA KALE OO AY XASILOONI DARADDA KA JIRTO.

    DAL NABAD AH AYAA DOORASHO & MUSTAQBAL IWM AYAA LAGA HADLI KARAA.. LAAKIIN IYADOO MEELO BADAN OO DALKA KAMID AH DHIBAATO & XASILOONI DARRO & MAAMUL LA’AAN KA JIRTO..AQALKA OO DHINACA KALE KA HOLCAAYO IN SHIR LOO FARIISTO WAA SHIMBIRO YAHAOW HEESA !

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.