M/weynaha oo eedeeyay agaasimayaasha wasaaradaha

IB0A4802Markii ugu horeysay Madaxweynaha Somaliya waxa uu qiray Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya inay caqabad ku yihiin Haykalka Dowladnimada Somaliya.

Madaxweynaha waxa uu sababta ka dhigay in Agaasimeyaasha Guud Qaarkood aysan aqoon u laheyn shaqooyinka ay Qaranka u qabanayaan, isaga oo sheegay in intooda badan ay ku yimaadeen hab Qabiil.

Waxa uu tilmaamay inay adag tahay in xil ka qaadis lagu sameeyo, sababo ku aadan inuu jiro walaac ah in Masuulka lagu eedeeyo inuu bartilmaameed ka dhigtay reer Hebel oo xilkii uu ka qaaday.

 “Dowladnimada waxa dhibaatada ku haayo in laga xishooda ma’ahan meelaha ay boogaha ay ku jiraan Agaasimeyaasha Wasaaradaha ayaa ka mid ah Agaasimaha Wasaarada Waa laf dhabarta Shaqada Wasiirka waa tagaa mid kale ayaa imaanaayo beri, laakiin waxa ay aheyd Agaasimaha guud waxa uu yahay qofka hoos ka yimid ee soo dhismay, laakiin qof gacanta laga soo qabtay oo la keenay Wasiir ayaa keenay, Wasiirka Cadaadis ayaa lagu saaray Xildhibaano ayaa ku saaray ama reer Hebel, ama Madaxweynaha ayaa geey dhahay ama Ra’iisul Wasaaraha” Ayuu yiri Madaxweynaha.

 “Cabsida Qofka Somaliga ah waxa waaye waxyaabaha ugu muhiimsan ayeey ka mid tahay, dadkeena mid waliba oo ka mid ah waa uu cabsanayaa waxa uu ka cabsanayaa waa lagu eedeyaa, hadii aad tiraahdid qofkaan waa yuslis shaqada macno kuma fadhiyo, hadii uu yiraahdo waxa uu ka cabsanayaa reer Hebel ayaad shaqada ka eriday in la dhaho, waxa uu ka baqayaa Siyaasiyiinta armeey ku qabsadaan, Madaxweynaha armuu ku qabsadaa, Wasiirka ama Xildhibaanada armeey ku qabsadaan, taasina waxa ay keenaysa qof aanan Dowladnimada waxba ku soo kordhineyn in meesha la iska keeno oo la iska dhaafo, lana dhaho sideen yeelaa.” Ayuu Warkiisasii raaciyay Madaxweynaha.

Madaxweynaha wuxuu sheegay Dhawaan inay isbedel ku sameynayaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha si loo helo dad aqoon u leh howlaha ay qabanayaan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.