Dagaal dad badan ku dhinteen oo maanta ka dhacay Baay

Saddex qof oo lagu dilay meel u dhow deegaanka Balanballe
Saddex qof oo lagu dilay meel u dhow deegaanka Balanballe

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo maanta dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay duleedka degamada diinsoor ee gobolka Baay.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka dagaalkan ayaa ku billowday, weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay fadhiyeen ciidamada dowladda.

Dadka dagaalka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa ahaa dhinacyadii dagaalka uu dhex maray.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka ayaa VOA-da u sheegay in weerarka lagu soo qaaday ay iska caabiyeen, saldhigii lagu dagaalamayna ay haatan ciidamada dowladda ku sugan yihiin.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.