Zuma oo aqbalay Danjiraha Soomaaliya

Somaliempasy-SA-1Madaxweynaha Dalka Koonfur Africa Jecob Zuma ayaa waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha ay Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday Dalkan Danjire Jamal Maxamed Barrow.nada,Malesia,Midowga Yurub,Panama,Zambia iyo Falastiin.

Danjire Jamal Maxamed Barrow oo si weyn ugu dhexmuuqday Danjirayaasha kale ayaa markii uu Waraaqihiisa aqoonsi ee Safiirnimo u gudbinayay Madaxweyne jacob zuma ayaa sheegay in uu   salaan iyo dhambaal inuu ka sido Madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxa uuna intaasi ku daray Danjiruhu in  ay Soomaaliya ay abaal lama ilaabaan u gashay Koonfur Afrika xilliyadii gumeysiga iyo midab takoorkii ka jiray K/Afrika.

“Waxaan salaam iyo dhambaal kaaga wadaa Madaxweynaha Soomaaliya,Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaan Koonfur Afrika garab taagnenyn xilliyadii xuriyad doonkii ee 1970 yadii illaa 1980 sideedameeyadii ,sidaad lasocoto Soomaaliya hada  way kasoo kabanayasaa dhibaatadii gaartay iyadoo garab ka heshay midowga Afrika,waxayna u baahantahay in la garab qabto,waxaan aad ugu faraxsanahay inaan kuusoo gudbiyo Aqoonsigayga safiirnimo Mudane Madaxweyne” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Madaxweyne Zuma ayaa dhankiisa sheegay in uu aad u ugu faraxsanahay qaabilaadda Safiirada cusub isagoo sheegay in Dowladiisa soo dhaweynayso Danjirayaasha ayna la shaqeyn doonto.

Somaliempasy-SA-2

Sidoo kale qudbad uu jeediyay Madaxweyna Zuma ayaa  waxa uu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka bay”ada  qulqulka qoxootiga, ,midnimada Afrika iyo ciidama ay Afrika yeelato kuwaasoo loogu talagalay inay ka hortagaan Wadamada dagaalada ka dhaca ee Qaaradda,isagoo intaasi raaciyay in Koonfur Afrika ay dhawaan u xirtay tababar Ciidankii ugu horeeyay ee Qaarada Afrika kasocday  iyo waliba Shirka China Africa oo bisha December lagu wado inuu ka qabsoomo  magaalada Johannsebur,

“Kusoo dhawaada South Africa mudanayaal iyo marwooyin waan wada shaqeyn doonaa iyadoo la tixgalinaayo heshiisyada iyo wadashaqeynta Wadamada aad matashaan ee xushmadda iyo wada shaqeynta leh.

Somaliempasy-SA-6

Danjire Jamal Maxamed Barrow ayaa ka mid ahaa Danjirayaal ay Dowladda u magaacawday Caalamka waana Danjirihii labaad,ee Koonfur Afrika lasoo magaacabo,horaantii sanadii 2013 dii ayay ahayd markii uu Madaxweyne Zuma waraaqihiisa aqoonsi ee  safiirnimo ka gudoomay Allah u naxriistee Danjirihii hore Sayad Shariif waxaana uu geeriyooday afar bilood kadib, Jamal Barrow loogu fadhiyaa inuu sii laba jibaaro xiriirka labada Dal iyo waxqabashada dhibaatooyinka Soomaalida ganacsatada ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.