Dagaal culus oo goordhow ka qarxay Gaalkacyo

DagaalDagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug iyo Puntland, ayaa goordhow ka qarxay qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Wariye kusugan Magaalada Gaalkaco ayaa sheegay in dagaal culus uu saakay ka socdo qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo, dagaalka ayaana qarxay kadib markii Ciidamo katirsan Maamulka Puntiland ay saakay soo galeen Suuq kuyaal xadka ay labada Maamul wadaagaan.

Daryanka Rasaas culus ay labada Ciidan is dhaafsanayaan ayaa xiligan laga maqlayaa Magaalada Gaalkacyo, walina si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalkan saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka saakay dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo ayaa imaanaya xili Raisul Wasaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay ku hoolanaayeen xalinta Xiisada Gaalkacyo, waxa uu R/Wasaaraha uu xalay ku hoyday Magaalada Garawe eexarunta Puntiland.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.