Puntland oo xabsiga dhigtay siyaasiga Daahir Cirro

Calanka-PuntlandWararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa soo sheegaya ciidamada ammaanka Magaalada Garowe inay xalay xabsiga dhigeen Siyaasiga Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro)

Daahir Ciiro, waxa uu horay u soo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG ee Somaliya, muddooyinkii dambana wuxuu ku noolaa Magaalada Garowe.

Siyaasigan ayaa dhowr maalin ka hor eedeymo wuxuu Warbaahinta uga jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas).

Ciidamada Booliska Magaalada Garowe, ayaa la sheegay inay xalay hooygiisa Magaalada Garowe kala baxeen Daahir Ciiro, kadibna xabsiga la dhigay.

Lama oga sababta loo xiray Siyaasigan, hayeeshe waxaa loo badinayaa xarigiisa inuu ka dambeeyay dhaliisha uu Warbaahinta uga jeediyay Madaxweyne Gaas.

Waa markii labaad oo Siyaasigan ciidamada Maamulka Puntland ay xabsiga dhigaan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.