Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay R/wasaaraha India

IB0A6961Ra,isulwasaaraha India Narendra Modi,kulankaas oo xooga lagu saaray wada shaqeynta iyo soo nooleynta xiriirka ganacsi iyo kan waxbarshada ee taariikhiga ah islamarkaana ahaa mid soo jireen ah.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa hor dhigay dowladda India sida dalkeenu xiligan uga soo baxayo dhibaatada uu mudada ku jiray ee dagaalada iyo soo afjaridda dagaalada Argagaxisada kula jirtay dowladda Soomaaliya.

IB0A6985

Ra,isulwasaaraha India ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada,iskaashi laga yeesho la dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay soo nooleynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo India.

IB0A6956

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Delhi waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalalka afrika ee shirkan ka soo qeybgalay.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.