QM oo kordhisay cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Askari katirsan milatariga DFS
Askari katirsan milatariga DFS

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib fadhi ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa hal sano lagu kordhiyay illaa iyo bisha November ee sanadka 2016.

Arinkan  ayaa waxaa u codeeyay 14 dal ee ka mid ah 15-ka dal ee xubinta ka ah Golaha Ammaanka, waxaana ka aamustay dalka Venezuela kaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa waxa uu waqtiga u kordhiyay howsha Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ilaa 15 bisha December ee sanadka 2016.

Waxaa uu Golaha Ammaanka walaac ka muujiyay musuq maasuqa, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta lacagaha ee ay ku lug leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xanibaado la kulmaan.

Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta ay dawladda Soomaaliya ka soo horjeedo una aragto been abuur.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.