Shirka wadatashiga oo Muqdisho ka furmaya

Muqdisho
Muqdisho

Muqdisho:Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, gaar ahaan aqalka Madaxtooyada, ayaa saakay waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka wadatashiga doorashada Qaran ee Soomaaliya, waxaana la xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah ee soo gala Madaxtooyada.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya Madaxda ugu sareysa dalka Somaliya, Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka Somaliya, Xubno ka socda Beesha caalamka iyo qaar ka mid ah Bulshada Rayidka.

Arimaha ugu muhiimsan ee looga hadlaayo shirkaan ayaa waxa ay tahay nooca ay noqon doonto doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somaliya, maadaama Dowladda Somaliya horay u iclaamisay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa sheegay shirka in uu socon doono muddo labo cisho, Dowladda Somaliyana ay u diyaargaroowday shirkaan.

Madaxda Maamul Goboledyada iyo Madaxda Qaranka ayaa aragtiyo kala duwan isku dhaafsan doono, nooca ay noqon doonto doorashada la filaayo inay dalka Somaliya ka dhacdo.

Shirkaan oo qorshaha uu yahay in lagu qabto Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa durba Magaalada waxaa laga dareemayaa isbedel dhanka ammaanka ah iyo ciidamada Dowladda oo adkeeyay ammaanka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.