Dagaal khasaaro badan sababay oo ka dhacay Beledweyne

images (1)Beledweyne: Inta la xaqiijiyay siddeed qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo culus oo maanta ka dhacay xaafadda Howlwadaag oo ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Toddoba ka mid ah dadka geeiryooday ayaa ahaa maleeshiyadii dagaalka uu dhex maray, halka qof kalena uu ahaa rayid. Waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay 11 ka mid ah maleeshiyada.

Iska horimaadka ayaa u dhaxeeyay laba maleehsiyo beeled oo kuwada sugan xaafadda Howlwadaag.

Dagaalka ayaa ka dhashay markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabteen gaari xamuul ah, oo mid ka mid ah labada maleeshiyo beeled ay dalbatay in canshuur laga siiyo, halka kooxdii kalena ay ku gacan seertay.

Odayaasha gobolka ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, wada-hadalna laga galo.

1 COMMENT

  1. Dagaalka Nabadda Ha lagu Bedelo, Nabadda iyo Wada noolaasha wax ka wanaagsan ma jiro…

    Maleeshiyaadka iyo maamul xumaddana, waxaa Deris la ah colaad, Xasilooni darro, iyo Barakac..

    intuba uma baahno Magaladda Baladweyne.. Baladweyne waxa ay u bahan tahay waa Maamul Degaan oo ay shacabka Gobolka Hiiran u dhan yihiin, Mamul wanagsan oo soo celiya kala Nidaamka iyo Nabadgelyadda Gobolka Hiiraan…

    Waa arin aad looga xumaaddo, Qilaafka joogtadda ah ee u dhaxeeyo Maleeshiyaadka, Qasaaro-da iyo dhibaatadda ka dhalatey dagaalka, waxaa la dhihi kara, waxa ay ku soo aadey WAqti aan loo baahneyn ee lagu jirey, Dib u heshiisiin iyo Xasilooni ay helaan shacabka hiiraan…

    HAL nidaam oo wanaagsan qaban karana adeegga Nabadgelyo oo ay shacabka Hiiraan Xaqa u leeyihiin…waa muhiim si looga baaqdo colaada & xasilooni daradda.

    Waa Arin aad looga XUMAADO, in Maleeshiyaad Sidasi u hubeysan, ay magaaladda dhex deeda ku wataan Hubka Darandooriga u dhaceo. Isticmaalka hubka waaweyn, Waxa ay dhaxalsiisey shacabka dhibaato aan loo baahneyn, lagana baaqsan karo, Haddda iyo wixii ka dambeeyo, haddii magaaladda dhexdeeda laga mamnuuco hubka noocyadiisa kala duwan…Boolis- soo celiyo nidaamka Degmaddana la sameeyo…

    Alle ha u naxariisto, Intii ku dhaf weysay, inta Bugtana Alle SCw. ha bogsiiyo. Aamiin.

    Magaladda Baladweyne, waxa ay u bahan tahay maahan Maleyshiyo iska soo horjeedo, Balse waxay u bahan tahay waa Nidaam dowli oo dhameystiran iyo boolis sugo Amaanka Baladweyne..

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.