UK oo ciidamo u direysa Soomaaliya

Ciidamo UK ka socda oo lagu arkay Shabeelaha Hoose
Ciidamo UK ka socda oo lagu arkay Shabeelaha Hoose

Doowlada Ingiriiska ayaa lagu wadaa in ciidamo ka badan 300 oo askari ay u dirto waddamada Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ee waddamadaasi.

Badankood ciidamadaasi waxa la geynayaa Koonfurta Suudaan si ay tababar dagaal iyo talo dhanka farsamada ah u siiyaan ciidamada Qaramada Midoobey.

Ilaa iyo 70 askari oo ciidamadaasi ka tirsan ayaa sidoo kale waxa ay ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee jooga Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka caafimaadka iyo arrimaha hawlgalka.

David Cameron Ra’iisalwasaaraha Britain, ayaa sheegay in ciidamadaasi ka socda dalkiisa ay waddamadani ka caawin doonaan yareynta argagixisada iyo tahriibka

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.