Otamendi: “Aguero ayaa sabab u ahaa kusoo biiritaankeygi City”

Otamendi
Otamendi

Nicolas Otamendi , Daafaca reer Argentin xagaagii dhawaa ayuu kooxda Man City kusoo biiray waxayna City kaga soo iibsatay kooxda Valencia £36m.

Otamendi oo ay kooxo dhowr ah saxiixiisa ku raad joogeen sida Man United iyo Real Madrid ayaa ka hadlay shaqsiga ku qal qaaliyay inuu Man City doorto.

Nicolas Otamendi wuxuu yiri “Waxaan la sheekeestay Kun Aguero, xaqiiqadii asiga ayuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee igu dhiiri galiyay inaan dalabka City aqbalo”

“Kadib markii Man City wada hadaladoodii ay sii dar dar galiyeen waxaan la hadlay macalin macalin Manuel Pelligrini oo isagana si wacan iigu dhiiri galiyay inaan Etihad usoo dhaqaaqo”

“Sergo Aguero waa saaxiib ii dhow haatana wax badan ayuu iga caawiyaa madaama nolosha England ay igu cusub tahay”

Nicolas Otamendi ayaa sidoo kale ka hadlay qorshihiisa fog wuxuuna yiri “Waxaan doonayaa inaan sanado badan Man City u cayaaro sidoo kalena aan koobab badan kula guuleesto”

“EPL kubad dhib badan ayaa laga cayaaraa sidoo kalena waxaan ku qanacsanahay hormarka aan ilaa haatan sameeyay madaama la qabsi badan ay iiga baahan tahay nolosha iyo kubada England laga cayaaro”

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.