Gaas: shirkii Muqdisho guul ayuu kusoo dhamaaday+Dhagayso

Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa shalay ku laabtay magaalaa Gaalkacyo, waxaana wareysi kooban oo uu siiyay Saxaafada uu sheegay in shirkii wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay uu guul kusoo dhamaaday.

Gaas oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ee Muqdisho
Gaas oo ka qeyb galay shirka wadatashiga ee Muqdisho

“Barnaamijkaasi oo ah Barnaamij runtii muhiim u ah Somalia, geedi socodka nabada Somaliyeed-na saldhig u ah ayaan u tagney aniga iyo wafti labada gole ka tirsan magaalada Muqdishu, waxaa-nuna u aadney madashaasi in aan mowqifka Puntland ee ku aadan mustaqbalka Somalia aanu jeedino, bareerayahaga geyno, goobtaas ay Somali isugu timid, waana gayney, waana la socotaan koley Social media iyo meel walba, Barnaamijkaas waxaa uu ku soo dhamaadey si guul ah, guul Somaliyeed iyo guul Puntland, kabacdina waxaa loo gudbi doonaa wajiyada dambe ee barnaamijkaas yeelan doono.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland isaga oo la hadlaya saxaafada.

 

Halkan ka dhagayso hadalka Gaas:

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.