Gaas oo cadaadis ka dib aqbalay ka qeybgalka shirka

Gaas oo ka qeyb galaya shirka Muqdisho
Gaas oo ka qeyb galaya shirka Muqdisho

Cabdiwali Gaas, M/weynaha maamul goboleedka Puntland, oo shalay isaga baxay shirka wadatashiga ee Muqdisho ka socda, ayaa ugu dambeyn cadaadis xoogan oo beesha Caalamka kaga yimid aqbalay inuu maanta ka qeybgalo shirka.

Kullamo xasaasi ah oo xalay Villa-Somalia ku dhexmaray Madaxweyne Xasan, Gaas iyo xubno Beesha Caalamka ka socda, ayaa C/wali Gaas waxaa lagu cadaadiyay inuu ka tanaasulo qodobka ah inuusan aqoonsaneen maamulka Galmudug.

Goobjooge shirka ka qeybgalay ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in Xubnaha ka socday Beesha Caalamka ay Gaas u sheegeen in maamulka Galmudug uu yahay maamul aqoonsi ka haysta Beesha Caalamka iyo DF, islamarkaasina aysan jirin sabab uu ku diido jiritaankiisa.

C/wali Gaas iyo xubnaha la socday ayaa shalay isaga baxay shirka, iyagoona sheegay ineeysan marnaba ka qeyb galeyn shir uu qeyb ka yahay maamulka Galmudug.

C/wali Gaas ayaa hada u muuqda mid ay haysato laba darran mid dooro, oo kala in hadii uu shirka maanta ka qeybgalo uu cadaadis xoogan kaga imaan doono gudaha maamulka Puntland oo markii horaba arrinta gaarsiiyay meel aan kasoo laabasho lahayn, arinta labaad ee Gaas haysata ayaa ah inuusan marnaba kahor imaan karin cadaadiska Beesha Caalamka oo iyadu hagta siyaasada Soomaaliya sidii ay doontana ka yeesha.

2 COMMENTS

  1. PUNTLAND STATE WAXAY U BAAHAN TAHAY KU NOQOSHO IYO IN SHARCIGA DALKA LA WAAFAJIYO QAAB DHISMEEDKEEDA…mar waxay leedahay aniga waxaan jirey dowladdi iyadoon jirin? mar waxay leedahay aniga ayaa ah Hooyadi Federaalka ? mar waxa aay leedahay waxaan ahay maamulka keliyah ee sida sharciga ku dhisan ? mar waxay leedahay Maamuladda kale oo dhan waa kumeel gaar marka puntland laga soo reebo ? mar waxay leedahay puntland waa qaran iwm..,
    miyaan la dhihi karin Puntland waa maamulka keliyah ee aan rabin in Soomali weyn hal saxan wax kuwada qeybsato, maadama ay markasta u joogto WAX BADSI iyo in somalida kale wax dheerato, miyaanan la odhan karin waa mammulka keliyah ee aan rabin in Soomaliya oo federal ah, mid-na ah horey u socoto.
    Waa laga soo gudbey waqtiii wax lagu raadin jirey..Qilaaf iyo sad bursi, sidaasi ha la ii yeelo, haddii kale ?? soomaliya waa ka soo gudubtey. dib-na uGu noqneyso..ee C.wali gaas waxa u baahan yahay CID runta u sheegto..una caqli celiso. maamul goboleedyadda dhan waa garbo siman oo kale, ma jiro maamul goboleed ka fiican ama ka wanaagsan mamul goboleed kale. balse SOOMALIDA OO DHAN WAA SIMAN YIHIIN.
    Hada wixii ka dambeeyo, wixi laga shaqeeyo waa HORUMARINTA danta guud. iyo wixii soomali weyn oo dhan danta ugu jirto..ma jirto cid si gaar ah, ama qolo gaar ah warkooda dib-u-dhac ku keenayo GEEDI SOCODKA NABADDA & HORUMARKA – WADANKA. cidii hareyso, meesheeda ha looga tago. somalida inta kale ha tashato….Balanteenu waa wixii danta guud ah ee soomali weyn anfacaya..iyo sidii ay Soomaliyadii horey dib ugu soo noqon lahayd iyadoo aan qilaaf iyo colaadi ka dhicin geeska afrika.

    Waad mahadsan tihiin.

  2. PUNTLAND STATE WAXAY U BAAHAN TAHAY KU NOQOSHO IYO IN SHARCIGA DALKA LA WAAFAJIYO QAAB DHISMEEDKEEDA…mar waxay leedahay aniga waxaan jirey dowladdi iyadoon jirin? mar waxay leedahay aniga ayaa ah Hooyadi Federaalka ? mar waxa aay leedahay waxaan ahay maamulka keliyah ee sida sharciga ku dhisan ? mar waxay leedahay Maamuladda kale oo dhan waa kumeel gaar marka puntland laga soo reebo ? mar waxay leedahay puntland waa qaran iwm..,
    miyaan la dhihi karin Puntland waa maamulka keliyah ee aan rabin in Soomali weyn hal saxan wax kuwada qeybsato, maadama ay markasta u joogto WAX BADSI iyo in somalida kale wax dheerato, miyaanan la odhan karin waa mammulka keliyah ee aan rabin in Soomaliya oo federal ah, mid-na ah horey u socoto.
    Waa laga soo gudbey waqtiii wax lagu raadin jirey..Qilaaf iyo sad bursi, sidaasi ha la ii yeelo, haddii kale ?? soomaliya waa ka soo gudubtey. dib-na uGu noqneyso..ee C.wali gaas waxa u baahan yahay CID runta u sheegto..una caqli celiso. maamul goboleedyadda dhan waa garbo siman oo kale, ma jiro maamul goboleed ka fiican ama ka wanaagsan mamul goboleed kale. balse SOOMALIDA OO DHAN WAA SIMAN YIHIIN.
    Hada wixii ka dambeeyo, wixi laga shaqeeyo waa HORUMARINTA danta guud. iyo wixii soomali weyn oo dhan danta ugu jirto..ma jirto cid si gaar ah, ama qolo gaar ah warkooda dib-u-dhac ku keenayo GEEDI SOCODKA NABADDA & HORUMARKA – WADANKA. cidii hareyso, meesheeda ha looga tago. somalida inta kale ha tashato….Balanteenu waa wixii danta guud ah ee soomali weyn anfacaya..iyo sidii ay Soomaliyadii horey dib ugu soo noqon lahayd iyadoo aan qilaaf iyo colaadi ka dhicin geeska afrika.

    waad mahadsan tihiin.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.