Shirka Muqdisho oo meel xasaasi ah maraya

IB0A9523Magaalada Muqdisho waxaa maalinkii labaad ka socdo shirka wadatashiga nooca doorasha ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka soo socdo.

Shirkan waxaa ka qaybgalay wafdi uu hor kacayo Madaxwaynaha Soomaaliya oo heer Faderaal ah, madaxda maamul goboleedyada hadda jira iyo beesha caalamka.

Wararka ayaa waxay sheegayan in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Madaxda Somalida, ee shirka uu maalintii labaad kaga soconaayo Magaalada Muqdisho.

Khilaafkan, ayaa yimid markii Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, uu si xoogan uga horyimid in shirkaasi laga qaybgeliyo Maamulka Galmudug, markii uu sheegay inaanay Puntland aqoonsanayn jiritaanka Maamulkaasi.

C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inaanay Puntland ka qaybgeli doonin shirkaasi, inta ay qayb ka tahay Galmudug, isagoona ku adkeystay in labada Maamul aynaan marnaba ka wada qaybgeli karin.

Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay in Puntland ay shirka isaga baxday, ayaa dadaalo badan ka dib lagu soo celiyay madasha shirka, iyadoo loogu baaqay in uu shirka ku soo laabto, markaasi ka dibna laga wada hadlo diidmadiisa ka dhanka ah Galmudug.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in illaa iyo hadda ay socoto qancinta loo jeedinayo wefdiga Puntland, ee la xiriirta in Galmudug shirka ay qayb ka ahaato, maadaama waxa laga hadlaya ay yihiin mustaqbalkii dalka iyo wixii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ee Dowladda, marka la gaaro sanadka 2016-ka.

IB0A9592Maamulka Puntland, ayaa ka biyo diidan in Waqooyiga Gobolka Mudug oo uu ka arrimiyo lagu biiriyo Maamulka Galmudug, oo ku magacaaban Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday ay shirka ka baxeen iyadoo la sheegay inay ku biireen maamulka Puntland oo hore shirka uga baxday Saaka.

Axmed Madoobe ka bixitaanka shirka wax sabab ah u yeelin, waxaase la sheegay inuu ku taageerayo Puntland oo isbaheysi kala dhaxeeyo. Waxaana horeba ay labada maamul u wadaagayeen siyaasad qabyaaladeysan oo federaal lagu saleeyay.

1 COMMENT

  1. 1) maalintii xasan sheekh la doortey A/weli gaas wuxuu noqdey hogaamiye horyaalka fidno waayo waxaa looga guuleystey doorasho2012
    2) maalin walbo wuxuu ka shaqeynayaa in soomaliya aysan dowlad karaamo leh noqon wuxuu taageeyo qabyaaladeed ka heley axmed madoobe oo noqodey dabadhilif wadamada deriska
    3) xasan sheekh wuxuuu raadinayaa soomali weyn lakiin raga uu wax ka raadniaayo waa rag ku sheeg caruurtoodii soo dayacay waa koox horey loo arkey siyaasad ku fashilmey waxa kaliya ay raadinayaa waa lacag dollar ay dibadaha ku dalxiisaan
    4) waa shaqsiyaad wadankii iibgeeyey wax walbo siyaasad ka dhigey
    waa kooxo dembiilayaal ah waxay mudan yihiin in la maxkamadeeyo sharciga lagu fuliyo
    5) sharciga iyo dastuurka uma hogaansamaan kumana dhaqmaan lacacagaha meelaha ay maamulaan waxaa qaato shaqsiyaad iyo wadamada cadowga soomaaliya waad la socotaan in shaqaalihii iyo ciidankii puntland in mushaar la,aan ay gadood sameeyeen lacagtii gobolka soo gashey waxay ku dhamaatey safaro iyo dalxiis hotelo qaali ah iyo akoontooyin debadaha laga furtey wasiirarada iyo a/weli gaas guryaha ay debadaha ka iibsadeeyn lacagtaa halkee ka keeneyn maamulkana waxaa ka jirto mushaar la.aan?
    6) dastuurka maku dhaqanyaa dastuurka uu rabo waa dastuur aan ku dhisneyn in leysla xisaabtamo sharcigana loo hogaansamo kheyraadka iyo danaha soomali soo siman yahay caqliga ku dhisan xaraanta sadbursiga dabadhilifnimada xumaan jeceyl nacaybka qofeed
    kibirka iyo isla weynida waa mid aan meel lagu gaareyn
    7) puntland waxay guursatey shaqsi waalan horeyna waxaaa usoo marey siyaasiyiin qamriga cabo siduu gaas sheegey boowe
    maxaa heley siyaasiyiintii beesha maxuu garaneyn siyaasada macnaha wada tashi nin caroodey waa laga guuleystey boowe ina gaas wuxuu ka xun yahay walaalkiis ina C C sharmaarke wuuxuu karaamey waayey kursiga dowlada uu walaalkiis ku fadhiyo fasir kale uma haayo
    wadaniyiinta beesha gaas waxaan filayaa in aysan raali ku aheyn wuxuu sameenaayo ceybta siyaasad xumida cadaawada ku dhisan loolan qabyaaladeed burbur soomaliyeed waa nin aan ogeyn dowlanimo
    soomali soomali ayaa leh marna walaalaha wadaniyiinta soomali waxay mar walbo diyaar u yihiin difaaca soomaliya
    Xasan sheeekh waxaad tahay madaxweyne daciif ah wadankii iyo karaamadiisa dhulkaa ku jiidey wadamada deriska ayaa wadanka waxay doonaan ka sameeyo lakiin wadaniyiinta soomaliyeed taariikhdooda guul soomali soomali baa leh

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.