Gaas & A. Madoobe miyaa lagu qasbay ka qeyb galka shirka Muqdisho

Gaas iyo axmed madoobe
Gaas iyo axmed madoobe

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubba C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay ka qeyb galayaan shirka wadatashiga qaabka looga gudbayo hiigsiga cusub oo Muqdisho ka furmi doona Axadda.

Arrintan ayaa ka dambeysay culeys ay saareen wakiilada Beesha Caalamka oo saacadihii ugu danbeeyay xiriiro toos ah la lahaa labada hogaamiye, waxaana la sheegay in amar lagu siiyay inay ka qeyb galaan shirka Muqdisho, haddii ay ka baaqsadaanna wixii ka soo baxa shirkaasi ay ku qasban yihiin inay u hogaansamaan.

Wakiilka Q/Midoobay, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa madaxweynaha Puntland cadaadis ku saaray in siyaasadiisa ku wajahan dowladda Federaalka iyo xaaladda mustaqabka Soomaaliya uu kala saaro. Waxaana la sheegay in la ogoleysiiyay inuu shirka Muqdisho oo uu hore u qaadacay ka qeyb galo.

Dhinaca kale Axmed Madoobe oo isagu ogolaa shirka Muqdisho ayaa kaliya ka caga jiidayay, wuxuuna si toos ah u aqbalay inuu ka mid noqdo madaxda maamulada dalka ka jira ee shirka Muqdisho ka qeyb galaya. Arrintan ayaa muujineysa in beesha caalamka ay tahay tan go’aanka ugu dambeeya leh arrimaha Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.