Haween ku biiri rabay al-shabaab oo lagu qabtay Mombasa

alSaddex Haween oo Kenyan ah oo lagu qabtay Degmadda Garissa iyagoo ku sii jeeday gudaha dalka Somalia ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Mombasa.

Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ee Kenya ayaa la sheegay inay haweenkaasi qabteen, xilli ay doonayeen inay ku biiraan Alshabaab.

Haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Nargis Arafat Gulam, Mwanajuma Mweru Tayari iyo Saumu Ali Athman, ayaa u safray Garissa si ay ula kulmaan Nin loo soo tilmaamay, si uu ugu soo gudbiyo Xuduudka Somalia.

Dukumenti laga hor akhriyey Maxkamadda Mombasa ayaa lagu sheegay inay haweenkaasi wateen Mobaylo, Laptops, Qalinka Sirdoonka loo adeegsado iyo qalab Milliteri oo ay doonayeen inay ku fuliyaan Falal Argagixiso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA in Haweenkaasi la qabtay xilli ay la hadlayeen qof ku sugan gudaha Somalia.

Waxaa kaloo uu sheegay inay la hadleen qof ku sugan magaalladda London.

“Waxaan haynaa caddaymo muujinaya inay jirto Shabakad ballaaran oo Argagixiso oo ay ku lug leeyihiin Qaraabadooda ka hawlgala inta u dhexeysa Somalia, Kenya iyo London”ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda Mombasa waxay amreen in Haweenkaasi lagu sii hayo Xabsiga muddo 30-maalmood, si ay Boliska u dhamaystirtaan Baartaankooda.

Bishii March ee la soo dhaafay, Kenya waxaa lagu qabtay saddex haween oo Labo Kenyan yihiin iyo mid Tanzanian ah, kuwaasi oo ka tallaabayey Xuduudka Kenya iyo Somalia.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.