Al-shabaab oo dagaal xoogan kula wareegtay Yaaqbari-weyne

A-fighter-from-al-Shabaab-006Dagaalyahanada al-shabaab ayaa dagaal xoogan oo saacado qaatay kadib la wareegay deegaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Doowlada Soomaaliya oo deegaanka Yaaqbari-weyne horay u maamulayay, ayaa isaga baxay kadib markii looga itaal roonaaday dagaal saakay waaberigii bilaawday.

Dhanka kale al-shabaab ayaa sheegatay ineey dagaalka ku qabsadeen 2 kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay lahaayeen ciidamada Doowlada Federaalka.

Deegaanka Yaaqbari-weyne ayaa ku dhow degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ku yaal wado muhiim ah oo xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.