Sideey u arkaan Soomaalida Minneapols xiritaanka Axmed+Dhagayso

M/weyne Obama ayaa aqalka Cad ku casuumay wiil arday ah oo 14 sano jir ah oo Muslim ah, kaasoo Booliska mudo kooban xireen kadib markii uu Iskuulka keenay Saacad uu Gurigooda kusoo sameeyay macalimiintuna ay moodeen ineey Bambo tahay.

2C660A7E00000578-3237268-image-m-6_1442448209553

Wiilkaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed, ayaa wuxuu sheegay inuu la fajacay sida loogula dhaqmay Iskuulkaas oo ku yaal Gobolka Texas.

“Fasalka ayaa layga soo saaray anniga oo ay i whliyaan maamulaha Iskuulka iyo askari Boolis ah, waxa ay i geeyeen qol ay ku jiraan afar askari oo kale, waxaan isku dayay inaan waco waalidiinteyda balse waxa ay ii sheegeen inaanan wici karin, maadaama ay su’aalo i weydiinayaan, marka anniga waan cabsooday waxaan dareemay inaan wax qalad ah gelin, waxaan dareemay sida inaan dambiile ahay” ayuu yiri Axmed.

2C661E5A00000578-3237268-image-m-4_1442448197475 2C6259FE00000578-3236603-image-a-4_1442419596386

Hadaba dadka ku nool Mareeykanka gaar ahaan Soomaalida sidee beey arintaa u arkeen?

Halkaan ka dhagayso aragtida Soomaalida Minneapols oo qaarkood BBC-da u waramay.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.