Puntland: ciidamo gadoodsan oo qabsaday Bangiga Gaalkacyo

ciidamada daraawiishta Puntland
ciidamada daraawiishta Puntland

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta oo gadoodsan ayaa lagu soo waramayaa ineey qabsadeen Bangiga Gaalkacyo.

Goobjoogayaal u waramay Midnimo.com, ayaa xaqiijiyay in ciidamadaan ay saakay araoortii ku waa bariisteen magaalada Gaalkacyo kadibna ay si xoog ah kula wareegeen Bangiga.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas, ayaa ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ciidamadan oo ka gadoodsan mushaar la’aan 7-bilood ah, ayaa lagu soo waramayaa ineey wali gacanta ku hayaan xaruunta Bangiga iyo dhismo cusub oo la sheegay in laga dhisayo Madaxtooyada Puntland.

Ciidamadan gadoodsan ayaa markii ay qabsadeen Bangiga waxay kala eryeen shaqaalihii halkaas ku sugnaa.

Ciidamadan oo ka gadoodsabn mushaar la’aan mudo 7 bilood ah, ayaa ku hanjabay ineey sameyn doonaan tallaabo dantooda ku haboon, hadii maamulka Gaas aysan qaadin tallaabo deg deg ah oo aysan siin xuquuqdooda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.