Masar oo sii deysay muhaajiriin Soomaaliyeed

imagesIn ku dhow 40 qof oo muhaajiriin Soomaaliyeed ahayaa xabsiyada dalka Masar laga sii daayay, kadib markii doowlada Masar ay xaqiijisay ineey yihiin qaxooti si sharci ah u jooga dalkaas.

Warbaahinta Masaarida ayaa sheegtay in 38 tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirnaa magaalada Alexanderia in laga sii daayay xabsiyada ay ku jireen, kadib markii saraakiisha amniga ay hubiyeen kaararka aqoonsiga qaxootinimada ee dadkaas Soomaalida ah.

Warku waxa uu intaas ku darayaa hay’ada UNHCR xafiiskeeda magaalada Qahira inuu kaalin weyn ka qaatay in lasoo daayo muhaajiriinta Soomaalida ah.

Tahriibayaasha lasii daayay ayaa isugu jira Rag iyo Dumar kuwaasoo xabsiyada la dhigay Bishii hore, xili ay isku dayayeen ineey ka tahriibaan Xeebta magaalada alexanderia ee waqooyiga Masar.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa lasii daayay tiro badan oo Muhaajiriin Soomaali ah oo kujiray Xabsiyada dalka Masar, kuwaasoo xabsiyada la dhigay xili ay isku dyaayeen ineey si sharci darro ah uga tahriibaan Xeebaha Masaarida.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada amaanka Masar ay xireen in ka badan 150 qof oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo qaarkood kasoo tallaabayay xuduuda Masar ay la wadaagto dalkaasi Suudaan.

Soomaalida ku xiran xabsiyada Masar ayaa la rumeeysanyahay ineey kor u dhaafayaan 200 qof, kuwaasoo u badan dhalinyaro da’doodu ay ka yartahay 20 sano iyo walibo Haween uur leh iyo Caruur.

Inta la’ogyahay 2 qof oo Soomaali ah ayaa xeebaha dalka Masar ku dhintay sanadkaan gudihiisa xili ay isku dayayeen ineey Doon ka raacaan xeebaha wadankaas.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.