P/land: Daacish askar kama qoran Puntland

download (2)Maxamuud Xasab Soocade, oo ah wasiirka warfaafinta Puntland oo wareysi siiyay Idaacada VOA, ayaa beeniyay in ururka Daacish uu dhalinyaro u dagaalanta ka qortay deegaanada Puntaland.

VOA-da ayaa shalay baahisay wareysiga qaar ka mid ah waalidiinta dhalinyaro kale oo saarnaa doon u socotay dalka Yemen oo badda ku xanniban, kuwaas oo walaac ka muujiyay in dhalinyaradaasi loo wado Daacish si ay ugu qayb qaataan falalka argagxiso ee kooxdaasi.

Si kastaba, wasiirka waxa uu sheegay in Puntland aysan ka suurta galin in deegaanadeeda laga tahriibiyo dhallinyaradeeda ama dhallinyarada Soomaaliyeed loona gudbiyo si ay uga mid noqdaan kooxda Daacish.

Waxa uu qiray inuu jiray tuhun ku saabsan in dad la doonayey in laga tahriibiyo xeebaha Puntland, balse aanay taas wax xiriir ah la lahayn Daacish oo Tahriib caadi ah uu ahaa, islamarkaana ay ciidamada amniga ka hortageen.

Wareysi: Wasiirka Warfaafinta Puntland:

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.