Dagaal hadda ka soconaya Qoryooleey

Breaking-News53-300x168Dagaal xoogan ayaa hada ka soconaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose, dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahano al-shabaab katirsan ay weerar xoogan kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ku leeyihiin afaafka hore ee degmada.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa…

1 COMMENT

  1. ummad waxaa ugu liitato midaan taariikhda ku cibro qaadan illaaheey waxoow dhacdooyinka ummadihii hore qur,aanka ugu sheegay in lagu cibro qaato, waxaa kaloo rasuulkeenu yiri qofka muslimka ah god labo goor lagama wada qaniino.

    HAGARDAAMADA ITOOBIYO IYO MEELDHEER WAXKA ARKIDLA,AANTEENA.

    soomaaliyo waxeey leedahay cadaw daris la ah waa itoobiyo iyo kenyo maantase waxaan ka hadlayaa itoobiyo oo markii kenyo loo fiiriyo noqoneyso markii furuq la arkaa waraaboow faro ka leef noqdaa,
    wadankeenu waxoow soo maray colaad ka dhigtay in wadankeeni xuduudihiisu iska furnaayeen mudo shan iyo labaatan sano oo dowlo laa,aan ah,waxaana dhacday in dowlada itoobiyo ay mudadaas dheer dhowr goor si cad xuduudaheena u soo weerartay
    ayna ka sameeysay xad gudubyo shacabkeenoo dhani ka dharagsan yahay,
    colaadeeni way dheeraatay itoobiyana waa ka faa,iideeysatay
    fursadaas waxaana nasiib daro noqotay in meelo badan oo wadankeena ah itoobiyo saaxiibo ka dhigteen iskana iloobeen cadaawadii soo jireenka aheed.
    waxaa kaloo dhacday in dowladi raali ku noqotay itoobiyo ineey dagaalka wadankeena ka socdo ka qayb gasho.
    hadaba itoobiyo inteey dagaalka ka qayb gashay maxaa dhacay?

    itoobiyo waxeey ka qabgashay dagaalada gobolada dhexe ka socdo meelihii shabaab laga qabsaday shacabkii degenaa way ka haajireen sida ceelbuur muddo halsano ah waxeey ku jiraan jiqda waxaana xog la hubo ku maqlay in shacabka degen halkaas ay yiraahdeen itoobiyo oon hoostagno waxaa noo dhaanto in aan jiqda oon ugu dhimano.
    intii ay itoobiyaanku ceelbuur joogeen waxeey geysteen xadgudubyo shacabka ah.
    gobolka hiiraan itoobiyaanku waxeey dileen dad shacab ah oon waxgeysan waxaana la sheegay ineey xitaa walaalaha jabuuti ee mudada dheer hiiraan joogay khilaaf kala dhexeeyo waxeey kaloo dhowr goor sameeyeen in ay isaga baxaan meelaha laga qabsado shabaab sabab la,aan dabadeedna shabaab meeshi dib u qabsado.

    itoobiyaanka joogo gobolka gedo dhowr goor ayaa shacabku ka eed sheegteen waxaana dhacday in madaxdii gedo joogtay loo soo masaafuriyay muqdisho waxaa gedo ka dhacay dhowr mudaharaadyo lagu diidanyahay itoobiyaanka laakiin shacabkaasu ma helin cid u garaabto iyo cid warkooda maqasho.

    CABSIDA IILA WEYN SHABEELAHA DHEXE.

    Waxaa muddo labo bilood ah socdo weeraro lala beegsanaayo ciidamada afrikaanka qaasatan burundiga iyo ugaandheyska oo ah ciidamadii afrikaanka ugu horeeyay ee wadankeena yimid ahna kuwii meelo badan dowlada kala saaray shabaab.

    waxaa dareenkeygu yahay in ay socoto mu,aamaro ay wado dowlada itoobiyo taas oo ka faa,iideeysaneeyso qolooyin anaga naga mid ah oo madax ku sheeg ah, in itoobiyo ka dambeyso weerarada lagu qaadaayo xeryaha ay ciidamada afrikaanka kale een itoobiyaanka aheeyn degenyihiin si loo cabsi geliyo ugaandheyska iyo burundiga eyna halkaas ka guuraan dabadeedna itoobiyaanku la wareegaan goboladaas.

    waxaan maqli jiray muddo aan dhaweeyn in itoobiyo riyadeedu tahay ineey qabsato badaha soomaaliyo si ay wax uga dhoofsato
    waxeeyse ila tahay in itoobiyo maanta ay gacanta ku hayso badaheeni hadii laga reebo badda muqdisho iyadana maanta waxeey usoo mareeysaa QORYOOLEEY,
    su,aashu waxeey tahay ma jiraan soomaali dareensan waraabaha
    na kala qaybiyay (ITOOBIYO IYO QABYAALAD)mase horumarku waa

    waxaa nala yiraahdaa soomaaliland muddo 23 sano ah oon cidna aqoonsan iyo itoobiyo oo saaxiib lala noqdo.
    puntiland ooiyana dowlad sheegato iyo halkey soomaali isu raadin laheed maadaamaa ay mar hore nabad heshay ineey dowlada khilaaf aan dhamaan la yeelato halka itoobiyo albaabkeedu u furanyahay.
    ahlu suno oo iyana bilowday ineey marto dariiqii shabaab waayo wadankeenu uma baahno dagaal ku dhisan diin.

    kismaanyo oo shacabkii degenaa aysan raali isu aheeyn oo dowladu iskeed isu dhistay.
    dowladi oo wareersan kana badin la, mooshin la keeno iyo khilaaf aan dhamaaneeyn.

    soomaaliyeey maanta waa maalin hadii la baraarugo wax la qaban karo ee ma miyirsanaa oo mu,aamaraadka cadawgu noo maleegaayo ma fahanaa mase maalin aan wax qabasho laheeyn ayaan shalayto meel la fadhiisanaa,
    xalku waa fududyahay waa qabyaalad oo la tuuro iyo indhaheena oon hal mar ku wada aragno cadawgeena iyo calooshood u shaqeystayaasha nagu jiro oon iska qabano.

    waxaa la yiri nin carab ah oo malik ahaan jiray ayaa waxoow ahaay manaxe shacabka gumaado waxaa dhacday inta shacabki kacdoomeen in mulkidi lagala wareegay oo isaga iyo wiilkiisi amiirka ahaaba xabsi layskula xiray,wiilkii amiirka ahaay ayaa waxoow aabihiisi boqorka ahaay waydiiyay aabe maxeey tahay sababta keentay in boqornimadeeni oo dhan nagala wareego oo waliba labadeeni meel laynagu wada xiro?
    aabihi waxoow ku jawaabay wiilkaygiyoow waxa maanta meeshaan na dhigay waa habaar aaqir lalki nala habaaray oon ilowsaneen.

    hadaba shacabkeenoow ma fahanteen ujeedadeyda mase waa beri, iyo xabsi amxaaro oon wada galno.

    illaahayoow xifdi baladkeena iyo ummaddeena cadawna hanoo jabin.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.