Askar Soomaaliyeed oo wadata dareeska Imaaraadka oo lagu arkay Yeman

MG_8355Waxaa markii ugu horeysay Gobolka Marib ee dalka Yemen lagu arkay ciidan Soomaali ah, oo la socda Ciidanka Militariga Emirate-ka Carabta, sida ay qortay Warbaahinta Yemen.

Warbaahintu waxay tebisay askartan inay xiran yihiin dareyska Ciidanka Emirate-ka Carabta, isla-markaana ay yihiin kuwo lagu soo tababaray dalkaasi.

Somalida degan Magaalada Sanca oo xaalad go’doomin ah wajahaaya, ayaa walaac xoogan ka muujiyay amuurtaasi, waxaana la ogyahay Xoogaga Xuuthiyiinta inay Maamulan Magaaladaasi.

Dahabo Cabdi Faarax, Madaxa Guddiga Qaxootiga Sanca oo ku sugan Magaalada Sanca, ayaa waxay sheegtay arrintan inay cabsi badan ku keentay Somalida, xilli ay sheegtay in Somalidu ku go’doonsan tahay Magaaladaasi.

Mar ay ka hadleysay Ciidanka Somalida ah ee la socda Militariga Emirate-ka, ayaa waxay sheegtay inay yihiin kuwo ku soo tababartay Emirate-ka.

Wadamadda Khaleej-ka, ayaa wada qorshe ay ciidan xoogan oo dhinaca dhulka ah ugu dirayan dalka Yemen, si loo wiiqo awoodda Xuuthiyiinta, ka dib markii ay diideen inay tallada dalka ku soo celiyan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.