DF: Puntland waxay samaysatay lacag faalso ah

Bankiga_Dhexe_Kormeer_Saacid_2Bashiir Ciise Cali, oo ah gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay in maamulka P/land ay samaysatay lacago Faalso ah.

Lacagahaan faalsada ah ayaa qaar kamid ah maalmihii ugu dambeeyay waxaa lagu arkay suuqyada magaalada Muqdisho.

“Puntland ayaa lagu farsameeyaa Lacagaha Faalsada ah ee sicir bararka ku keenay suuqyada Muqdisho, lacagtaasi waxaa hada lagu arkay Gobolada Dhexe xitaa Muqdisho weey soo gaartay” ayuu yiri Gudoomiyaha Bangiga dhexe.

Maamulka Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedeynta loo jeediyay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.