Holland oo adkeyneysa sharciyada qaxootiga

2015830635765330887488823Rahima_082015_660AMSTERDAM-Holland ayaa ka fikireysa ineey soo rogto sharciyo aad u adag oo quseeya qaxootiga, xili ay socdaan qul qulka qaxootiga galaya dalal badan oo Yurub ka tirsan, haba ugu badnaadeene Siiriyaanka iyo Soomaalida, kuwaasoo ka baxsanaya dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira dalalkooda.

Yurub ayaa hada la tacaaleysa dhibaatada qaxooti sidii ayaxa ugu qul qulaya maalin walbo kadib dagaalkii 2-aad ee aduunka, halka Holland ay ku fakareyso ineey soo rogto sharciyo adag oo quseeya qaxootiga, sida in cuntada iyo Biyaha loo diido kuwa aysan ka muuqan sifada qaxootinimada.

Sidoo kale Holland ayaa sharciyadeeda lidiga ku ah qaxootiga waxaa kamid ah in si qasab ah dalalkooda loogu celiyo kuwa sida sharci darrada ah kusoo gala dalkeeda.

Soomaalida ayaa kamid ah dadka ay sida aadka ah u saameyn doonto sharciyada adag ee ay Holland doonayso ineey ku xadido qul qulka Muhaajiriint

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.